Xaalad degnaansho oo aan caga buuran ku taagneen ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Dumaaye oo ka tirsan deegaanada Hoosyimaada degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ka dib dagaal dhexmaray laba reer guuraa oo deegaankaasi wada dega maalin nimadii shalay ayaa waxaa maanta laga soos heegayaa deegaankaasi xaalada oo degen balse la filankaro isku dhacyo kale .

Ku dhowaad 5 qof ayaa ku geeriyooday dagaalada ka dhacay deegaankaasi, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan iyagoo dadkaasi ay ka wada tirsan yihiin labada reer guuraa ee dagaalamay.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ku dhaqan iyo ciidamo ka tirsan xarakada Alshabaab ayaa deegaankaasi ka wada nabadeyn lagu kala dhexgalayo labadan reer guuraa ee dagaalamay waxaana ay sheegeen odayaashu in ay ku dadaalayaan sidii aanay u soo laaban xiisadan colaadeed.

Mudooyinkaan dambe deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka siiba Gobolka Galgaduud iyo Muqdug waxaa ku soo laalaabanayay dagaalada dhexmaraya reer guuraaga kuwaasi oo dhaliyay khasaarooyin farabadan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.