Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa afduub laba qof oo ajanabi ah oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda samafalka ee Danish Demining Group oo saacado ka hor lagu qafaashay gudaha Soomaaliya.

Labadan qof ee la qafaashay ayaa kala ah nin 60 sano jir ah oo u dhashay wadanka Denmark iyo haweenay 30 sano jir ah oo Mareykanka u dhalatey kuwaasi oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda Danish Demining Group.

Shaqaale ka tirsan hay’adda Danish Demining Group oo ku sugan magaalada Nairobi oo codsadey inaan magacooda la xusin sabab ay ku sheegeen inaan loo ogaleyn inay saxaafada war siiyaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in labadan qof lagu afduubay agagaaraha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtey in afduubkan uu ka dhacay agagaaraha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Warar dheeraad ah SBC Online kala soco daqiiqad kasta war kasta oo ku cusub Soomaaliya & Dunida inteeda kale.

Deeqo Nuur Faarax (Bilan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobilan1@hotmail.com