Shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayey ee maanta ka dhacay magaalada London ayaa la soo gabagabeyeey iyadoo ay ka soo baxay warmurtiyeed ay soo wada saareen ka qyab galayaashii shirkaasi.

Warmurtiyeedkan oo ka koobnaa 21 qodob ayaa qodobada ugu waa weyn waxaa ka mid ahaa in la isku raacay in hay’adaha dawlada KMG Soomaaliya waqtiga jiritaankoodu uu ku egyahay bisha August ee soo socta, iyadoo la muujiyey inaanu jirin wax kororsi ah oo la aqbali doono.

Warkan oo faahfaahsan kala soco SBC goor dhaw Insha ALAAH.