Dawlada KMG Soomaaliya ayaa gudi heer qaran ah u magacowday aaska qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyadoo bayaan arinkaasi ku aadan uu ka soo baxay xafiiska Ra’isalwasaaraha kaasi oo u qrnaa sidan.

SHIR JARAA’ID

TACSI QARAN

MADAXWEYNE ABDULLAHI YUSUF AHMED

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

 Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo si gaar ah xaaskiisa iyo carruurtiisa uga tacsiyeynayaa geeridii saakay arroortii salaada subux ka hor ku timid Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed oo ku geeriyooday Sheikh Zayed Hospital ee Abu Dhabi.

Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

Waxaan nasiib u yeeshay inaan dhowaan ku soo booqday Madaxweynihii hore Isbitaalka uu ku jirey ee Abu Dhabi.

Marxuum Abdullahi Yusuf waxuu ifka uga tagey xaas, iyo afar carruur ah ( 2 rag ah iyo 2 dumar ah).

Marxuum Abdullahi Yusuf waxuu wakhtigiisa inta badan u huray ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalku ku heli lahaa Dowlad waarta. Marxuumku waxuu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowladda Federaalka KMG ah ee la aasaasay October 2004. Ka hor Madaxweyne Abdullahi Yusuf waxuu ahaa Madaxweynaha Puntland, horseedna u ahaa nabadeynta iyo aasaaska Puntland.

Waxaan maanta isagu yeeray xubnaha golaha Wasiirada oo aan shir deg-deg ah yeelanay ugana hadalnay habka ugu habboon ee aan dowlad ahaan isagu diyaari karno aas iyo tacsi qaran.

Waxaan u xil-saaray guddi heer Qaran oo ku wajahan sidii Aas Qaran loogu sameyn lahaa Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed.

 Golahu waxey isku raaceen:

  1. In Tacsi iyo Aas heer Qaran ah loo sameeyo Madaxweynihii hore.
  2. In Calanka Soomaaliya hoos loo dhigo muddo 7 cisho ah.
  3. In Safaaradaha Soomaaliya la dhigo buuga tacsida.
  4. In muddo seddex cisho ah idaacadaha iyo TV ga Qaranka ay sameeyaan baroor-diiq.

 Guddiga Aaska Qaranka ee Madaxweynihii hore ayaa ka kooban:-

  1. Abdiwahab Ugas Xuseen Ugas Khalif – Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Guddoomiyaha Guddiga
  2. Ugas Axmed Gaboobe (Ugas Bile)
  3. Cabdisamad Macallim Maxamud Sh. Xasan
  4. Cabdullahi Xaaji Xasan
  5. Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn)
  6. Cabdiaziz Sheikh Yusuf
  7. Maxamud Macallin Nuur
  8. Axmed Maxamud Axmed (Yaqshid)
  9. Siciid Jama Qorsheel
  10. Cabdullahi Sheikh Cali (Qaloocow)
  11. Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan

 

SBC News Desk