Iyadoo maanta lagu baahiyey baraha Internet-ka muuqaal ama video uu soo duubay Abuu Masnuur Al-Amriki oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sar sar ee Al-Qaacidada Bariga Afrika kaasi oo uu ku sheegay in nolashiisu ay ku jirto qatar uuna u baqayo la noolaanshihiisa Al-Shabaab.

Hadaba qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Internet-ka Twitter-ka ee ay adeegsadaan Shabaabku ayaa oo ay adeegsadaan ayaa lagu muujiyey sida aanay waxba uga jirin hadalkaasi .

“Waxaynu u xaqiijinaynaa walaalaha Muslimiinta in aanu Al-Amriki ku sugnayen qatar uga tumaada Mujaahidiinta, walaalkeenna wali wuxuu ku naaloonaya ama ku sugan yahay xuduuda walaaltinimada” ayaa lagu yiri warka Shabaabka soo baxay.

“Baaritaan dhab ah ayaa hada socda,xarakatul Shabaabul Mujaahidiinna waxay wadaan isku day ay ku xaqiijinayaan sax ahaanta iyo ujeedada ka dambeysa filimkaasi” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Shabaabka ee lagu daabacay bagoodda Twitter-ka.

SBC News Desk