Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle, ayaa lagu soo waramayaa inay iska casileen xilkii ay ka hayeen Maamulka Hirshabelle, kadib markii ay sheegeen in Madaxweyne Cosoble uu ku fashilmay u shaqeynta Maamulka Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayaa sheegay inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.

Wasiirada xilalkaan iska casilay, ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiiro, Wasiiro Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar.

Wasiirkii Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta Hirshabelle, Wasiir ku xigeenkii Haweenka, Wasiirkii Ku xigeenkii Bii’ada Hirshabelle iyo Wasiiro kale ayaa la xaqiijiyay inay iscasileen.

Arintaan ayaa timid, iyadoo Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble, ay jiraan Mooshin culus oo laga wado, taasi oo ay saxiixeen Xildhibaano badan oo ka tirsan Hirshabelle.

Qaar ka mid ah Wasiirada is casilay ayaa ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa ku biiray ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle oo saaka laga diyaariyay Mooshin xil ka qaadis ah.

Guuxa maalmahan ka soo baxayay Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen inuu dhaco is bedel, isla markaana Hirshabeelle ay xilligan uu u baahan yahay badbaado, waxaana Madaxweynaha ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan uu waqtigiisa ugu badana ku qaatay magaalada Muqdisho.