Shirkii wadatashiga arimaha Soomaaliya ee ka soconayey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa goor dhaweyd la soo gabagabeeyey iyadoo khudbad uu halkaasi ka jeediyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Shirkan oo ay ka qayb galayeen ergooyin ka socdey dawlada KMG Soomaaliya maamulada Puntland & Galmudug & Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxaa soo qaban qaabisey qaramada midoobay iyadoo looga hadlayey sidii loo ambaqaadi lahaa nidaam dawladeed oo badala dawlada KMG oo xiligeedu ku egyahay bisha August ee sanadka fooda inagu soo haya.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shirka gunaanadkiisa SBC kala soco goor dhaw Insha ALAAH.