Golaha amaanka ee qaramada Midoobay oo ayaa isku raacay in Soomaaliya laga qaadayo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo sanadkii 1992-kii.

Qaraarka in laga qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya waxaa si weyn u ugu olalaynayey dawladaha Mareykanka & Ingiriiska, waxaana uu siinayaa fursad dawlada cusub ee Soomaaliya inay dalka dibadiisa ka soo iibsato hub, waxaana ka mamnuuc ah ogolaanshahan in hubka culus diyaaradaha lagula dagaalamo, kan taangiyada iyo miinooyinka la soo galiyo Soomaaliya, iyadoo go’aankan uu yahay mid mudo sanad ah jiri doona ka dibna dib u eegis lagu sameyn doono in si buuxda looga qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

15-ka xubnood ee golaha amaanka ayaa arinkan maanta ka yeeshay shir albaabadu u xiran yihiin, iyadoo laga soo saaray go’aanka ah in Soomaaliya mudo sanad ah laga qaado cunaqabateynta hubka.

48 saac ka hor intii aanu soo bixin go’aankan qaylo dhaan ba’an ayaa ka soo yeertey hay’adaha xuquuqda aadamaha kuwaasi oo dalbaday inaan la qaadin xiligan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd mudada ka badan 20-ka sano, sidoo kale maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa muujiyey inaanay raali ka aheyn in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo dalbadey in go’aankaasi aan waxba laga badalin, laakiin sida muuqata go’aankan cusub ee ay sida weyn u doonaysay Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u noqonayaa guul ay ka gaartey dhanka siyaasada oo la dhageystey rabitaankeeda ku aadan inay hesho cudud dhanka ciidanka oo ay wax kaga qaban karto xaaladaha amaan ee Soomaaliya.

Laakiin dadka arimaha Soomaaliya sida weyn uga faalooda waxay ku doodayaan in go’aankan aanu aheyn mid u dan ah Soomaalida maadama xiligan wadanka uu buuxo hub fara badan loona baahan yahay in kaasi laga qaado dadweynaha halka la keenayo hub cusub.

Lama oga isbadalka uu ku dhalin karo xaalada cakarin ee siyaasada Soomaaliya oo xiligan u muuqanaysa in kala baxayaan dhinacyo siyaasada markii hore ku mideysnaa haatanse mowqifyo kala duwan ka soo baxayaan, waxaanse shaki ku jirin in go’aankan uu yahay mid ay dano gaar ah ka leeyihiin wadamada awooda ku leh arimaha Soomaaliya.

Warkan oo faahfaahsan kala soco SBC Online.