Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in Col. Muamar Al- Gadaafi intii aan la dilin ka hor uu ku dhuumanayey god isagoo halkaasi ay ka soo saareen kooxaha mucaaradka ee la dagaalamayey.

Wararku waxay sheegeen in Col. Qadaafi uu ku dhaawacmey tacshiirad lagu furayey xili la qabanayey, isagoo dhaawac xoogan uu ka soo gaarey xabadka & qaarka dambe.

Meydkii Col. Qadaafi ayaa la sheegay in loo qaaday meel qarsoodi ah iyadoo taasi loo yeelayo xaalad amaan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan golaha hogaaminta qaranka Liibiya ee ku meel gaarka ah.

Geerida Col. Qadaafi ayaa ka dambeysya ka dib markii dagaalo xoogan ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay magaalada Sirta halkaasi oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanka daacada u ah Qadaafi.

Dhinaca kale waxaa gacanta lagu dhigey wiil uu dhaley Col. Qadaafi oo lagu magacaabo Mu’tasim iyo afhayeenkii Qadaafi Musa Ibraahim & waliba saraakiil kale oo ayt ka mid yihiin , Mansur Daw & Ahmad Ibrahim Abdallah al-Sanusi.

Warar dheeraad ah isha ku hay SBC daqiiqad daqiiqad.