Doorasho maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose ayaa waxaa lagu doortay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo ka kooban 75 Xildhibaan ayaa codeynaayay hal Xildhibaan ayaa ka maqnaa madasha oo la sheegay inuu xanuunsan yahay, waxaana codka si toos ah u dhiibanaayay 74 Xildhibaan.

Axmed Madoobe ayaa helay codadka ugu badan doorashada, wuxuuna helay codad gaaraya 68 cod, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka kooban 74 waa inta codeynaysay.

Arinta xiisaha leh ayaa ah cod Baahiyaha magacyada looga dhawaaqay in kaliya laga maqlaayay Axmed Maxamed Islaam ilaa codadka ay kor u dhaafaan 30 cod.

Musharaxiinta la tartamaysay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo madasha fadhisay ayaa mid ka mid ah oo lagu magacaabo Cusmaan Xuseen Haaji Fayruus, wuxuu helay 2 cod.

Musharax Hilowle Aadan, ayaa helay labo cod isagana, halka ay xumaadeen labo cod oo kale, sidaas ayuuna ku noqday Axmed Madoobe, mar labaad Madaxweynaha  Maamulka Jubbaland.

xiligii La Dhaarinayay

xiligii La Dhaarinayay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi ayaa ku dhawaaqay in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, waxaana hoolka mar kaliya is  qabsaday sacab iyo farxad dadka ay ku soo dhaweeyeen Axmed Madoobe,

Ugu Danbeynna Goobtaasi ayaa lagu Dhaariyay Axmed Maxamed Islaan oo noqday Madaxweynaha 4-ta Sano ee Soo Socota Hogaamin Doonna Maamulka Jubbaland.