Wararka ka imaanaya  Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Ahlusunna oo Dagaal ku qaaday Degmada Dhuusamareeb.

Dagaalka oo la isku Adeegsaday Hubka Culus ayaa ka soconaya Qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Xasan Cabdi Cali Oo Kamid Ah Saraakiisha Ahlusunna Ayaa SBC U sheegay in Magaaladda Ay Isku balaariyeen Ciidamadda Culumaa’udiinka Ahlusunna.

Ilaa hada lama oga Khasaaraha Dagaalka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee u dhexexeeya Ciidamada Dowladda iyo Ahlusunna.

Hoos ka dhageyso: