Gacan ka hadal ba’an oo la isku adeegsadey feer ayaa goor dhaweyd magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Baarlamanka KMG Soomaaliya ku dhexmarey xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo isku khilaafay go’aankii shaley xilka lagaga xayuubiyey Gudoomiyihii Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Axmed.

Gacan ka hadalka feerka ah ayaa yimid ka dib markii xildhibaano tiradoodu gaarayso 25 qof oo taageerysan Shariif Xasan isla markaana ay tageen xarunta Baarlamanka oo ay shir ku lahaayeen xildhibaanadii shaley xilka ka qaaday Gudoomiyihii Baarlamanka, iyadoo muran iyo faro isku taag taag ka dib uu dhacay buuq isku badaley in gacanta la isula tago oo qaar ka mid ah xildhibaanada dhiig uu ka hoor qaar kalena ilkaha laga tuurey.

Warkan oo faahfaahsan kala soco SBC Online insha ALAAH.

SBC News Desk