Deeq Marwaxado ah oo la gudoonsiiyay Maxaabiista Xabsiga Boosaaso+Sawiro

Deeqadan uu ururka PSA  maanta Gaarsiiayay Xabsiga weyn ee Magaalada Bosaso ayaa waxay Ka Koobnayd shan iyo Toban Marawaxadood oo loogu Talagalay in Malagu xiro Qolalka ay ku xiran Yihiin Maxaabiista Maadaama lagu jiro Xili Xagaa ah islamarkaasin lagu guda Jiro Bisha Ramadaan .

Munaasabadii ay Deeqdan kula wareegayeen Masuuliyiinta Xabsiga wey ee Magaalada Bosaso waxaa Goob Joog ka ahaa Masuuliyiinta Ururka PSA Maamulka degmada Bosaso Iyo Nabadoonada Gobolka bari .

Waxaana Deeqda si Rasmiya Loogu wareejiyay Taliye Kuxigeenka Xabsiga Bosaso Xasan Maxamad Xasan .

Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari Cabduqaadir Axmad Ibaraahim Xaraogo oo madasha kahadlay ayaa amaan u soo jeediyay Ururkii deeqda Bixiyay wuxuuna Nabadoonku sheegay in loo baahan yahay  in Bisha Barkaysan ee Ramadaan Dadka danyrta ah Lakaalmeeyo.

Taliye kuxigeenka Xabsiga ayaa isna sheegay in ay deeqada kala wareegeen Ururka PSA islamarkaasina ay u mahdnaqayaan isagoo sheegay in ay Rajaynayaa Deeqo intan kabadan oo lasoo Gaarsiiyo .

Cabdufataax Maxmuud Sugule Gudoomiyaha Ururka PSA ayaa isna Madasha ka sheegay in deeqdan ay ugu Tala Galeen walaalohooda xiran si ay u caawiyaan wuxuuna Dadka kale ee alle Maalka siiya ku booriyay in ay walaalohood Caawiyaan.
Gudoomiyaha Degmada Bosaso Xasan Cabdalla Xasan oo hadlay Gunaandkii munaasabada ayaa sheegay in uu aad ugu Mahadcelinayo Dhalinyarada Deeqda soo Gaarsiisay Xabsiga .

Gudoomiyaha ayaa Masuuliyiinta Xabsiga kula Dardaarmay in ay Maxaabiista u Naxariistaan .

Maalmihii ay Nusoo Dhaafnay ayaa waxaa jIray Gudi isugu jira Culimo Dhalinyaro iyo Nabadoono u istaagay sidii Dadka dantayar loo Taakulayn Lahaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan aawadeed.

Sawiro


Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso

Daalacatey :1349

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print