Iyadoo ay isa soo tarayaan Deeqaha lacageed ee soo gaaray deegaanka iyo weliba howlaha loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartey dhibaatooyinka Abaaraha ee ka taagan Gobolka ayaa maalmahii ugu dambeeyey Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Masar,gaar ahaan kuwooda degan Magaalada Qaahira ayaa waxaa Raashin Gargaar ah loogu iibiyey Qoysas ku dhibaateysan Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaala daafaha Magaalada Baardheere.

C/risaaq Xaaji Xuseen Cambe ooah Ganacsade ay soo Wakiisheen Jaaliyada Soomaalida ku nool dalka Masar ayaa Warbaahinta u sheegay deeqdani lacageed oo dhamayd ilaa $4000(Afar kun oo dolor) in ay raashin gargaar ah ugu iibiyeen dad gaaraya 164 Qoys oo ah Qoysas Barakacayaal ah,kuwaasi oo uu sheegay in Qoys weliba ay siiyeen Raashin ku filan mudo Bil ah.

Raashinka Gargaarka ah ee la siiyey Qoysaskani oo ku xoolo beelay Abaaraha oo isugu jira haween iyo dad kale oo da,ah ayuu sheegay in noocyadiisu ay ka kooban yihiin Bur,Bariis iyo Saliid,isagoo tilmaamayna kaalmada loo fidiyey Qoysaskani in wax weyn ay ka tareyso Noloshooda,maadama mudooyinkii ugu dambeeyeyba Qoysakani ay ka cabanayeen dhibaatooyin adag oo dhinaca Nolosha ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah Qoysaskii loo qeybiyey Gargaarkani ayaa waxaa ay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan gargaarka bini’aadinimo ee ah dhinaca Raashinka ah ee loo qeybiyey, iyagoona dhinaca kalena u mahadceliyey Jaaliyada Soomaalida ee dalka Masar oo deeqdani soo gaarsiisey.

Goobtii lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Gedo,iyagoo ugu mahadceliyey Jaaliyada Masar,gaar ahaan kuwooda ku nool Magaalada Qaahira gargaarka ay u fidiyeen walaalahooda ku dhibaateysan Gobolka Gedo.

SAWIRO

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo