Deegaanada dhaca waqooyi Bari & Waqooyi galbeed ee Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa xaalado degenan ah oo aan cago buuran ku taagneyn, ka dib markii halkaasi ay ku dagaalameen Maalin nimadii shalay Labada dhinac ee isku haya gobolkaasi Waa Ciidamada Maamulka Dooxada shabeele iyo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Dadka deegaanadaasi ayaa sheegaya in ay xaaladu tahay mid iska degen islamarkaana aan jirin wax dagaal ah, inkastoo ay kuu sheegayaan in ay jiraan waxoogaa dhaq dhaqaaqyo wata dareen dagaal.

Deegaanada Kalabeyr, Ceelgaal, iyo kuwa kale ayaa ay shalay aheyd goobo ay ka taageneyd xiisad dagaal oo aad u sareysa ka dib markii halkaasi ay weerar ku qaadeen sida la sheegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaaladii shalay dhacay, waxaana ay kala dheegteen saraakiil u kala hadashay labada dhinac ee dagaalamay guulo ay ka gaareen dagaalkii dhacay.

Sikastaba xaaladu ha ahaatee dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas ayaa arinkani ka muujinaya wal wal iyo walaac maadaama ay soo noqnoqdeen dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee halkaasi ka Oogan.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe.