Dhacdo xanuun & naxdin badan ayaa dhawaan ka dhacdey magaalada Thessaloniki ee ka tirsan dalka Gariiga ka dib markii nin ka mid ah dadka degan magaaladaasi uu dab is qabadsiiyey taasi oo ka dhalatay dayn lagu lahaa.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 55 sano balse magaciisa aan la sheegay ayaa inta uu soo qaatey Microphone, gaas &  taraq wuxuu dab isku qabadsiiyey banaanka bangiga Piraeus bank isagoo ka cabanaya daynta lagu leeyahay.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan ay tahay markii sadexaad oo uu damco in uu sidan oo kale isku gubo.

Ninkan ayaa sheegay in uu awood u waayey in uu dib u bixiyo dayn lagu lahaa oo uu u qaatey ganacsi uu sameeyey oo masalifay.

Ninkan oo gubanayey mudo 15 daqiiqo ah ayaa waxaa damiyey dabkii Booliiska oo u adeegsadey qalabka dabka lagu damiyo.

Dhibaatada dhaqaale ee ka taagan wadanka Gariiga ayaa waxaa la sheegay in ay marayso heerkii ugu sareeyey iyadoo dalkaasi ay ka taagan tahay sicir barar baahan.
DAAWO DHACDADAN

Yaasiin Faradheere
SBC Stockholm
yaasinfaradheere@hotmail.com