Dayax madoobaad ayaa siweyn loogaga dareemay deegaanada Puntland

Magaalada garoowe ayaa siweyn loogaga dareemay waxaana ay dadweynaha badigoog guda galeen marki la dareemay salaadaha Alle bariga ah ee ay ilaahay uga baryayaan in uu sidiisii ku soo celiyo dayaxa, maadaama ay tani ka mid tahay tusida awoodaha ilaahey loona baahan yahay in ay umadiisu ku cibra qaataan.

deegaanada kale ayaa sidoo kale uu ka madoobaaday dayaxa waxaa ka mid ah magaalada Boosaaso, inkastoo ay qariyeen daruuro ayaa hadana waxaa ay bulshaweynta buux dhafiyeen misaajidyada iyagoona guda galay salaadaha ay alle ku baryayaan.

Sawirkan waa daya madowgiisa waxaana laga qaaday Magaalada Garoowe, sidii uu uga madoobaaday.