Dawlada Britain ayaa go’aan ku gaartey in hadii la helo saxiixa 100 kun oo qof oo Soomaali ah in laga mamnuuco cunista iyo ka ganacsiga qaadka wadanka UK, taasi oo ka dhalatey cadaadis balaaran ururka la dagaalanka qaadka uu saarey in la joojiyo qaadka oo dhibaato qoys, dhaqaale, bulsho iyo shakhsi ku haya ummada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ururka la dagaalanka qaadka ee dalka UK Abuukar Cawaale oo xog waran kooban siiyey warbaahinta SBC ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hoyotey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK taasi oo ah in la gaarey xili dib ay u eegto dawlada Britain cabashada iyo codsiga ka soo yeeraya Bulshada Soomaaliyeed taasi oo ku aadan waxyeelada bulsho ee qaadku uu ku hayo ummada Soomaaliyeed.

Abuukar wuxuu sheegay in mudo lix sano ah ay ku qaadatey ururka uu madaxda ka yahay sidii uu uga dhaadhacin lahaa dawlada UK sidii loo joojin lahaa qaadka la keeno dalkan, isla markaana hada loo fadhiyo sidii loo joojin lahaa ganacsiga, keenista iyo cunista qaadka dalka UK.

Mr. Cawaale wuxuu sheegay in dawlada Britain ay soo saartey mareeg internet oo loogu tala galay in hadii 100 kun oo qof ay saxiixaan ololaha joojinta qaadka in gabi ahaanba la joojin doono.

Mareegtan Internet ayaa dadka looga baahan yahay inay saxiixan ay tahay dadka degan wadanka UK iyadoo qofku magaciisa iyo adrres-kiisa oo buuxa uu galinyo, ka dibna wuxuu arkaa halka uu marayaan saxiixayaasha.

Gudoomiye Cawaale wuxuu ka codsadey shacabka Soomaaliyeed ee dagan dalka UK inay ka faa’ideystaan fursadan dahabiga ah isla markaana ay codkooda ku bixiyaan sidii qaadka oo dhibaato guud ku hayo bulshada Soomaaliyeed loo joojin lahaa.

Abuukar wuxuu sheegay in hadii lagu guuleysto joojinta qaadka ay tahay fursadan dad badan Soomaali ah ka bixi lahaayeen dhibaatooyinka nolasha ka haysta, wuxuuna farta ku fiiqay in qoysas badan oo Soomaaliyeed ay ku dumeen dhibaatada ama saameynta qaadka, halka kumanaan dhalinyaro ah oo ka faa’ideysan lahaa waqtigooda qaaliga ah sida waxbarasho, shaqo ama arimo kale oo muhiim ah uu waqtigoodu ku lumay cunista qaadka.

Abuukar Cawaale wuxuu ku tilmaamay qaadka guumaysi casriga ah oo lagu maamulo dhaqaalaha iyo maskaxda ummada Soomaaliyeed kaasi oo uu sheegay in dhaqaalahooda lagu guranayo.

Hadaba hadii aad tahay qof Soomaali ah oo ka damqanaya dhibaatada dhaqaale, bulsho, qoys & qaran ee qaadku ku hayo ummadeena fadlan 2 daqiiqo sii waqtigaaga qaaliga ah oo codkaaga ku biiri ololaha joojinta qaadka dalka UK, taasi oo guul  weyn u noqon doonto bulshada Soomaaliyeed.

Si aad ugu biirto olalahan oo aad codkaaga u dhiibato riix link-ga hoose.

http://epetitions.direct.gov.uk/petitions/927

Maxamed-Qadar Isaax
SBC International London