ugandha and somaliaWarkani oo lagu qoray wargeysaka New Vision oo ka soo baxa Kampala ayaa lagu sheegay in looga dooday Fadhigii baarlamanka dalkaasi maanta.

Dawlada Uganda ayaa waxaa ay sooo saartay war ay ku sheegeyso in dib loo furayo safaaradii ay ku lahayd dalka somaliya gaar ahaan magalada muqdisho caasimada somaliya.

Sida wargeysaka uu qoray  dawalda Uganda ayaa door muhiim ah kaga jirta hawlgalka amisom ee somaliya,waxaana muhiim ah maadama ay horumuud tahay in ay safaaradeeda somaliya dib u furto,iyadoo daba raaceysa wadamo badan oo Caalamka ah oo safaaradahooda dib u furtay somaliya.

Golaha baarlamanka dalka Uganda ayaa la hor  dhigay in ay ansixiyaan qarashaad la doonayo in dib loogu dhiso safaarada somaliye ay ku lahayd dalka Uganda,Taasi oo la doonayo dib loogu xaqiijiyo U heelanaanta Uganda u muuhineyso somaliya.

Waxaa sidoo kale Baarlamanka sheegen in ay arintani ka doodi doonaan Isla markaasina sida ugu dhaqsaha badan Uganda safaradeeda uga furi doonto dalka somaliya,iyadoona horey wadamo badan oo Caalamka ah safaaradahooda dib uga fureen dalka somaliya.

Ugu danbeytiina dawlada Uganda ayaa Laf dhabar u ahayd hawlgalka amisom ee somaliya ka socda waxaana Uganda Ay ahayd wadankii ugu horeyay ee ku dhiiraday in ay ka qaybgalaan hawlgalka Amisom ee somaliya.

Mohamed Abdirashiid
SBC International-Nairobi