Xukuumada Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday inay dib u hawlgalin doonto oo ay furi doonto safaaradeedii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, taasi oo xirneyd mudooyinkii colaadaha sokeeye ka aloosnaayeen.

Hadalkan furitaanka safaarada Talyaaniga ee Muqdisho waxaa ku dhawaaqay wasiiru dawladaha xukuumada Talyaaniga Alfredo Mantika oo socdaal aan horey loo shaacin isaga & wafdi uu horkacayo ay ku tageen magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen Madaxda dawlada KMG sida Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & Ra’isalwasaaraha Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa danjiraha dawlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Stevano Djeck & xubno ka tirsan wasaarada arimaha dibada Talyaaniga.

Kulan saxaafadeed ay ku qabteen xarunta wasaarada arimaha dibada wafdiga Talyaaniga & xubno ka tirsan dawlada KMG ayaa waxaa lagu soo bandhigay arimo ay ka mid yihiin caawimada & taageerada dawlada Talyaaniga u hayso Soomaaliya, arimaha abaaraha & dib u furista safaarada Talyaaniga ee magaalada Muqdisho.

Kuxigeenka Ra’isalwasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada dawlada KMG Maxamed C/laahi Oomar & wasiiru dawladaha Talyaaniga Alfredo Mantika ayaa saxaafada u sheegay in dawlada Talyaanigu ay ku bixinayso gargaarka abaaraha ka taagan Soomaaliya aduun lacageed oo gaaraya 1 milyan oo Euro, iyadoo sidoo kale Talyaanigu balan qaaday inay ku bixin doonaan 2,500,000 (Laba milyan & shan boqol kun) oo Euro oo lagu dayactirayo Isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Alfredo Mantika wuxuu sheegay in iyadoo dawlada Talyaaniga ay dhiirigalinayso hawlaha dawlada KMG ay wado & qaar ka mid ah wadamada Carabta & Afrikaanka oo dib uga furtey Muqdisho safaaradahoodii wuxuu sheegay in Talyaanigu uu noqonayo wadankii ugu horeeyey oo Yurub ka tirsan oo dib u furta Muqdisho safaaradiisa.
Wasiiru dawlahu wuxuu sheegay in dawlada Talyaaniga ay si buuxda u taageerayso dalwada KMG Soomaaliya, dadaalkeeda ku aadan dib u soo celinta amaanka & kala dambeynta & waliba dagaalada ay ku doonayso inay ku ciribtirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arimaha dibada DKMG Maxamed C/laahi Omaar ayaa isaguna u mahadceliyey dalwada Talyaaniga yabooheeda ku aadan taageerada dawlada & shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in ku faraxsan yihiin arimahaasi.

Wafdiga Talyaaniga oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa isla maanta halkaasi ka dhoofay.

Axmed Aar
SBC Muqdisho