Cabdi salaan Bashiir Cabdisalaan ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar kadib markii uu xilkaasi ka tegay gudoomiyihii hore ee degmada Waaciye Isaxaaq Axmad.

Digreeto ka soo baxday ayaa Xafiiska Madaxweyna  Dawalada Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa gudoomiye laagu magacaabay Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Gudoomiyaha Cusube ee waaciye oo lahadlay SBC ayaa sheegay in maamulka cusub uu dardar galinayo hawlihii uu katagay maamulkii hore. sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in maamulkan cusubi uu diyaar u yahay in uu waxbadan kaqabto horumarka Degmada Waaciye.

Bashiir Cabdi Salaan Gudoomiyaha ee Degmada Waaciye waa nin dhalin yaro ah waxna ku soobartay Wadanka Suudaan .

Ugu danbeyntii ayuu gudoomiyuhu sheegay in dhawaantan ay maamulkiisu guda gali doonaan samaynta Gole deegaan oo ay yeelato Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso