Dowlada Koonfur Afrika ayaa baaritaan ku wado sidii ay u suuro gashay in uu helo baasaboorka dalkeeda  hogaamiyihii Al- qacidada ee Bariga Afrika Fazul  Abdalla oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxa hey’ada nabad sugida dalka koonfur africa haweeneyda lagu magacaabo  Annelie Botha ayaa saxaafada u sheegtay in ay baarayaan sidii uu ku helay docomentiga dalka South Africa Fazul oo la sheegay in uu watay basabooro uu ka mid yahay wadankaasi.

Haweeneydan ayaa shaaca ka qaaday in uu halis ku jiro amaanka dalkan hadii ay suura gal noqotay in qaar ka mid ah argagixisada caalamka ay heystaan baasaboorka dalka Koonfur Afrika.

 Sidoo kale waxa ay walaac ka muujisay amaanka dalka Koonfur Afrika ayadoo tilmaantay in ay argagixiso caalami ah oo u badan  sida ay hadalka u dhigtey Carab iyo Soomaali ay dalkan ku sugan yihiin isla markaana ay qorsheynayaan sidii ay ku heli lahaayeen baasaboorka Koonfur Afrika.

Madaxa hey’ada amaanka ayaa shaaca ka qaaday in uu Fazul helay baasaboorka dalka 13-kii April ee sanadii 2009, xiligaasoo ay sheegtay in aad loo hubinayay dadka qaadanaya baasaboorka dalka.

Dadweynaha wadanka Koonfur Afrika ayaa waxay isweydiinayaan in hadii ay cadaatay in waxa loogu yeero  argagixisada caalami ah ay wataan baasaboorka dalka Koonfur Africa isla markaana shaaca laga qaaday in ay saldhigyo ku leeyihiin dalkooda waxaa la gudboon dalka Koonfur africa oo aanan u soo jeedi jirin la dagaalanka arimaha argigixisada.

Saadaad ahmed gobey
sadaamg@gmail.com
sbc cape town-Koonfur Africa