Masuuliyiin katirsan Dawlada KMG Somlia ayaa kahdalay Musiibad dabka ahayd ee xalay Qabsatay Suuqa ugu weyn deegaanada Puntland ee magaalada Bosaso.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarda warfaafinta Dawlada KMG Somalia Mudane Cabdullahi Bile Nuur oo la hadlayey warbaahinta SBC isag oo jooga magaalada Muqadisho ayuu sheegay in uu aad uga xun ayahy dabkii xalay qabsaday suuqa magaalda bosaso wuxuuna sheegay in ay aad uga naxeen xiligii loo soo sheegay dabka qabsaday suuqa magaalada bosaso wuxuuna sheegay in ay aad uga tiiraayey san yihiin khasaara gaaray shacabka magaalada Bosaso.

Wasiirka Ayaa sheegay in isga oo ku hadlaya Magaca Xukuumada Somali in ay aad uga Tacsiyeynayaan musiibadaasi aadna ay uga damqanayaan Musiibada soo gaaraty shacabka somaliyeed  .

DHAGEYSO

Wasiirka ayaa sheegay in Ka Xukuumad ahaan ay qaadan doonaan doorka ka ga aadan musiibadan wuxuuna sheegay in aysan waxba ka hagran dooniin dadkan ay dhibaatadu soo gaaratay  ka Dawlad ahaan .

Mudane Cabdullahi Bile Nuur ayaa kula dar daarmay dadkii ay hantidoodu halkaasi ku waxyeelowady in ay samraan dhibaatadanina ay ahayd mid rabaani ah wuxuuna alle uga barayay in uu wax ka wanaagsan dadkaasi ugu badalo .

Wasiirka ayaa ah xildhibaanda ka soo jeeda Puntland u matala Dawlada KMG Somlia .

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso