Barlamanka dalka kenya ayaa ka dooday maalin nimadii shalay aheyd qaraxii dhawaan ka dhacay bartamaha magalada Nairobi.

Wasiirka Amniga dalka kenya George Saitoti oo baarlamanka hortiisa su aalo la xiriira qaraxii nairobi lagu weydiiyay ayaa cadeeday in baaritaano la sameeyay lagu waayay in uu qaraxu ahaa mid bambaano.

 Mr Saitoti ayaa shegay in quburada bambaanooyinka ay cadeeyeen in  qaraxu ahaa mid shidaal dab gaaray uu sababay.
 Xubno ka tirsan baarlamanka oo iyagu ka cabsi qabay in qaraxu ahaa mid argagixiso ayaa su’aalo badan oo ay weydiiyeen waziirka ay ku macneeyen in qaraxaasi uu ahaa mid bam, balsa waziirka amniga ayaa cadeymo badan u kenay in qaeraxu ahaa mid kaalinta shidaalka oo dab gaaray ay sababtay.

 Isaga oo shegay in wali ay baaritaanada socdaan lana la yahay wax sababi kara qarax bam oo qeyb kamid ah wax yaabaha qarxa.
 Hadalka ayaa waxa uu farxad galiyay soomaalida ku nool guud ahaan dalka kenya gaar ahaan ku Nairobi oo iyagu ka baqdin qabay in eeda qaraxa dusha loo saaro.

 Qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka kenya ayaa iyagu la galiyay heegan kii ugu dambeeyay tan iyo xiligii la dilay hogaamiyii ugu sareyay ee ururka Al qacida.
 — 
   Ahmed Muse Gure
   SBC Nairobi Kenya
    waqaca4@gmail.com