Xoghayaha amuuraha dibada wadanka Britain William Hague ayaa maanta shaaca ka qaaday qorshe dawladiisu ku doonayso inay dib u furto saafaareeda Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah qorshe ah lagu balaarinayo siyaasada arimaha dibada ee wadanka Britain.

Qorshahan dib u furida Soomaaliya ee wadanka Britain ayaa la sheegay in uu ku lamaansan tahay dadaal xukuumada Britain ay safaarado uga sameynayso wadamada El Salvador, Kyrgyzstan, Koonfur Suudaan & Madagascar.

Warsafaadeed uu soo saarey xoghayaha amuuraha dibada Britain itain William ayuu ku sheegay in safaarada Britain ee Soomaaliya in la furi doono mar ugu horeysay ee la helo furad la xiriirta dhanka amaanka, isagoo sheegay in ay ku xiran tahay amaanka Soomaaliya dib u furida Safaarada British-ka ee magaalada Muqdisho.

Tan iyo burburkii Soomaaliya dawlada Britain waxaa arimaha Soomaaliya u qaabilsanaa xafiiska arimaha Soomaaliya kaasi oo hoos taga safaarada Britain ee magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

SBC News Desk