Xisbiga Conservative ayay u muuqataa inuu ku guuleysanayo aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday dalka UK.

Raiisul Wasaare David Cameron ayaa ku guuleysanaya shan sano oo kale, iyadoo xisbigiisa uu ku guuleystay kuraad badan oo aan horey loo fileyn.

Mr Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

BBC waxay ogaatay in hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Ed Miliband, uu ku dhawaaqi doono is casilaaddiisa.

Xisbiga Liberal Democtars oo ku jiray dowladdii wadaagga ee u dambeysay ayaa lumiyay kuraas.

1

Xigasho: BBC,