Xaflad casho sharaf ah oo caawa ka dhacdey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo bandhigay go’aan ku aadan asnixinta dastuurka cusub ee Puntland ku dhaqmi doonto kaasi oo diyaarintiisa mudooyinkii ugu dambeeyey ay socotey.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galey Madaxweyne C/raxmaan Faroole, Kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamanka C/rashiid Maxamed Xirsi, Kuxigeenadiisa, Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre, xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dawlada.

Ugu horeyn waxaa halkaasi hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre oo sheegay in gudigooda ay sharaf weyn u tahay in ay soo dhameeyeen mid ka mid ah qodobadii loo xilsaaray ee ku aadanaa dhanka doorashooyinka.

“Waxaa caawa sharaf weyn inoo ah inaan caawa halkan kuu soo jeedino qodob ka mid ah arimihii naloo idmay inaan bulshada u qabano ood noo xilsaartey markii dastuurka Puntland wuxuu qeexay in la dhiso gudi farsamo oo maamulka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland innagu hadii aynu nahay gudiga doorashooyinka siyaasiyiin ma ihin, laakiin waxaan maamuleynaa arimo siyaasi ah, waxaa nala siiyey mandate (wax cad) ama qodobo idman inaan fulinno inaanu nahay ku meel gaarka, iyagoo taa ka ambaqaadaaya ayaa qodobadaasi kala horeeyeen, sida aad la socoto madaxweyne, adiga iyo xubnaha golaha wasiirada iyo baarlamaankuba duluc loo dajiyey sida ay ula horeeyaan, qodobka u horeeya ee laga rabo gudiga oo ay u xilsaareen xukuumada & baarlamanku hab kooban ah sharci baa loo dajiyey waxa weeye in la qaadayo oo ay ka qayb galayaan ergooyin ka kooban 480 xubnood”.

Khubada Maxamed Xasan Barre Lin-ga hoose ka dhageyso.

dhageyso

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland

Gudoomiyaha barlamanka Puntland  C/rashiid Maxamed Xirsi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey goobtaasi ayaa wuxuu sheegay in talaabadan ay tahay mid soo jirtey oo ku aadaneyd in Puntland dhanka dimuqraadiyada u jihaysato, taasi oo soo bilaabatey ilaa markii la dhisay Puntland, wuxuuna soo hadal dadaalka loogu jiro in asxaab iyo ururo loo tartamo oo qof kasta codkiisa wax ku doorto, isagoo intaasi ku darey in si buuxda dastuurku u noqon doono mid dhaqan gala marka ay dadweynu ansixiyaan si buuxda.

Khudbadii Gudoomiyaha Baarlamanka

Wareegtada Madaxweynuhu ku saxiixay ansixinta dastuurka

Intii aanu hadli madaxweynuhu wuxuu qalinka ku duugay digreeto ku aadan ku dhawaaqitaanka maalinta la ansixinayo dastuurka Puntland, iyadoo ka hor saxiixa halkaasi laga aqriyey wareegtada.

Dhageyso qoraalka wareegtada madaxweynaha ee ansixinta dastuurka

Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne C/raxmaan Faroole markii uu saxiixay wareegtada wuxuu jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taasi oo inteeda badneyn uu kaga hadley arimaha ansixinta dastuurka waxaase kaloo uu xusey arimaha siyaasada,amniga ,dhaqaalaha ,waxqabadka xukuumadiisa iyo weliba geedi socodka dimoqraadiyada Puntland, waxaana ugu horeyn uu sheegay in xukuumada uu madaxweynaha ka yahay markii la doortey balanqaadkii ugu horeeyey ee ay qaadey in uu ahaa in ay ummada ku soo celiso gacanteeda awooda sharci oo ummadu go’aan ku gaarto cida ay dooranayso cida hogaaminaysa iyadoo loo marayo nidaamka xisbiyada badan,isagoo ku tilmaamay talaabadan asnixinta dastuurka ay tahay balanqaadkaasi mirihii ka dhashay oo ay ku guuleystey xukuumadiisu.

C/raxmaan wuxuu sheegay in dadka ansixinaya dastuurka Puntland inay noqon doonaan dad ay soo wakiisheen beelaha dega Puntland oo ah wakiilo rasmi ah oo si aan caad ku jirin loo soo xuli doono.

Khudbada madaxweynaha oo aheyd mid aad u dheer uu kaga hadley oo kale arimaha lacagaha la soo daabacayo, sida loo badalayo, sababta keentey, sicir bararka, mushaaraadka ciidamada , waxqabadkii xukuumadiisa,Hawlaha Shabaabka Puntland ay ka fuliyeen, dagaalada Galgala & maleeshiyaadka ku sugan, amaanka guud ee Puntland & waliba dilalka dadka rayidka ah, Dastuurka cusub ee dawlada dhexe ee Soomaaliya, wadahadalada lala galayo Somaliland ee dawlada dhexe la galayso, nidaamka xisbiyada ama ururada Puntland laga hirgalinayo maamul wanaaga dawladiisa iyo arimo kale oo fara badan.

Khubada Madaxweyne Faroole link-ga audio-ha hoose ka dhageyso
Dhageyso