Waxaa manta Magaalada Cadaado ee gobolkaasi Galgaduud lagu ansixiyay Dastuurka uu yeelanaayo Maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee Dalka

Ergada fadhida hoolka shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka ayaa saaka isugu yimid fadhi kaas oo ay qaab gacantaag ah cod ugu qaaday dastuurkan cusub oo inbadan doodiisu soo socotay.

Shirka waxaa soo xaadiray Ergo gaaraysa 351 xubnood, waxaana codka si gacan taag ah ugu codeeyay 310 oo ogolaatay in Dastuurka uu yahay mid ansax ah, halka ay diideen 29-ruux, sidoo kalena ay ka aamuseen 12 qof.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, Mahad Salaad ayaa sheegay in laga gudbay wado dhib badneyd oo laga cabsi qabay caqabadeeda, isago intaasi ku daray in loo gudbay hada wajiga saddexaad oo uu sheegay in laga guda galaayo soo xulista Xildhibaanada iyo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.