Shirkii Dastuurka Soomaaliya ee ansixintiisa ay ka socotay howlka ku yaala Iskool Bolisiya degmada CAbdi CAsiis ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu ansixiyay Dastuurka Umada Soomaaliyeed 43sano ka dib.

Badi Ergadii ansixinta Dastuurka ayaa halkaasi ugu codeeyay dastuurka cusub ee Umada SOomaaliyeed iyagoona tilmaamay in ay si aad ah ugu faraxsan yihin .

Madaxda sar sare ee DKMG ah sida Raiisul wasaaraha DKMG ah ayaa goobta ansixinta ku sugnaa waxaana halkaasi uu ka jeediyay qudbado aad u qiiro leh oo ku aadan dastuurka iyo qaababka ay u codeeyeen ergada waxaana uu ku tilmaamay mid siweyn loogu farxo.

Waxay noqoneysaa maanta maalin taariikh u leh umada Soomaaliyeed maadaama loo ansixiyay dastuur cusub tan iyo intii ka dambeysay 43sano, waxaana dadkii halkaasi ku sugnaa ay ku tilmaameen mid waji cusub gelineysa umada Soomaaliyeed .

SBC International Muqdisho