Baladweyne– Wararka laga helayo xarunta Gobolka Hiiraan ee baladweyne ayaa sheegaya in halkaasi habeenimadii xalay siweyn looga maqlayay daryanka madaafiicda cul culus oo ka dhaceysay duleedka bari ee magaaladaas .

Madaafiicdaasi ayaa sida la xaqiijiyay waxaa isku adeegsanayay labada dhinac ee iskuhaya duleedka Baladweyne waa Maamulka dooxada Shabeele iyo maamulka ka kusugan Baladweyne ee Alshabaab.

Shacabka Magaalada Baladweyne oo saaka la hadlay Xafiiska SBC International ee magaaladaas ayaa sheegay in ay cabsi gelisay daryanka madaafiicda la isku ridaay, balse ay aheyd halka la isku weydaarsaday aaga ay labada dhinac isku horfadhiyaan sida Degmooyinka Ceelgaal iyo Ilkacade.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara halkaasi ayaa sheegaya in iminka ay jiraan xiisad iyo abaabulo ciidan oo ay sameynayaan labada dhinac ee isku haya gacan ku heynta magaalada Baladweyne .

Dadka ayaa muujinaya cabsi xoogan iyadoo ay ka baqa qabaan dagaal saacadaha soosocda halkaasi ku dhexmara maamulka dooxada shabeele iyo xarakada Alshabaab.

 

C/casiis Ok
SBC International Garoowe