Deeqdaan  raashinka ah oo ay ugu deeqday dalka Kuwait  gaar ahaan Boqorka Dalkaasi  oo loo soo marsiiyay Ha’yada Daryeelka Bulshada Puntland ayaa loogu tala galay kun qoys iyadoo maanta shantii boqol ee qoys ee ugu horeyay loogu qaybiyay raahin isugu jira bur, sonkor timir iyo saliid kaam Wabari ee Magaalada Garowe kuwaas oo ka soo barakacay qaybo ka mida koonfurta somaliya gaar ahaan Gobolada Bay, Bakool ,Shabeleda dhexe iyo gobale kale oo katirsan koonfurta wadanka Soomaaliya muddooyinkii ugudanbaysayna ay ka sooyeeraysaycabashooyin la xiriira dhanka nolasha  bini’aadamka.

Agaasimaha guud ee  Ha’yadda  Daryeelka Bulshada Maamulka Puntland C/shakuur Maxamuud Guray  oo ka hadlay goobta laga qaybinayey raashinka ayaa sheegay marka laga yimaado ha’yadoda cida loo samiryay rashinkaan ay maanta qaybiyeen sheegayna ain ay aadugamahadcelinayaan dowlda kuwait deeqdaan rashinka noocyadiisa kala duwan ah iyagunasidii loogutalagalayayuqaybiyeen .

Wasir Dowladaha Maamul wanaaga Madaxtooyada Puntland Maxamed Farax Ciise Gashaan oo isna ka hadlay ayaa qiray in qaybinta raashinka ay ahayd mid  wakhtigaani loo baahnaa ayna ka faa’idaysteen qoysaskii ugu badnaa ee dega hal Kaam oo barkaacayal ah una baahnaa kaalmo  xilligaani loona baahanyahay in dhammaanba hay’aduhu ay ku daydaan daryeelbulsho dadaalkeeda ku aadan samata bixinta dadka danyarta aheekasoobarakacaykoonfurta iyo bartamaha wadanka Soomaaliya.

Wajiga labaad ayaa ha’yadu waxaa ay sheegtay in laga bilaabaya dhawaanta sida ay shegeen Masuliyiinta Ha’yada daryeelka Bulshada Magaalada Galkacayo . sidaan oo kale shan boqol oo qoys oo noqonaysaqaybta labaad  ee kahartay mucaawinadaan  katimid boqorka wadankaasi kuwait loona soomarsiiyay hay’ada maxaliga ah ee daryeel bulsho.

Hay’ada daryeelbulsho waxa ay kamidatahay hay’adahamaxaliga aheekashaqeeya daryeelida dadka barakacayaasha ah iyagoona sidoo kale udhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka naafada ah iyo waliba carruurtadarbijiifka ah.

DAAWO SAWIRADA

Yusuf maxamed maxamud {yusuf  yare}