Dalada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ku midaysanyihiin ee Punsaa ayaa manta

Taageeray shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyey Garowe iyo midka maanta lagu wado in uu ka dhaco dalka in britian

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha gudiga sare ee dalada ay ku midaysanyihiin ururada bulshada rayidka Puntland ee Punsaa  waxaa ay ku taageeren  shirkii wada tashiga Somalida ee dhawaan ku soo gabagaboobay Garowe oo ay heshiis ku gaareen dhinacyada siyaasada Somalida  iyo shirka maanta ka dhacaya dalka Ingiriiska ee ay ka qayb galayaan dhinacyada Somalida iyo in kabadan afartan dowladood loogana hadlayo arimaha Somaliya.

Caaqil warsame caarshe faarax oo kamid ah xubaha gudiga Punsaa ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan  shirkii go.aamadii ka soo baxay shirkii  todobaadkii hore dhinacyada Somalidu heshiiska kula saxiideen iyo midka maanta lagu wado in uu ka dhaco dalka Ingiriiska  waxaana uu intaa ku daray in uu rajaynayo shirka Ingiriiskuna in uu noqdo mid wax wanaagsan Somalida uga soo baxo  .

Agaasimiha fulinta ee dalada Punsaa faadumo ibraahim  aadan ayaa warfidiyeenka u akhriday baqa ay soo saareen dalada ay ku midaysanyihiin ururada bulshada rayidka ah ee Puntland  iyo qodobada heshiiskii Garowe ay tageersanyihiin waxaana  ay sheegtay in ay  soo dhawaynayaan dhamaan qodobadii ka soo baxay shirkii Garowe 2 oo ay ku tilmaantay kuwo dhaxal gal ah haweenka iyo dhalinyaradana siinaya fursad aan horay usoo marin  isla markaana haweenkuna ay doormuhiim ah ka qaadan doonaan ansixinta dastuurka  halka dhalinyarada  markii ugu horaysay laga talagaliyey  heshiiskaas oo fursad siindoona qofkasta oo dhalinyaraha ah laga bilaabo 21sano jir  waxaana ay sheegtay  faadumo ibraam in heshiiskii Garowe uu fursad balaaran siinayo dhamaan ururada bulshada rayidka ah

Shirkan lagu taageerayey shirkii dhawaan Garowe ka dhacay waxaa uu ku soo beegmaya xili maanta lagu wado  dalka Britain uu ku dhaco shir ay ka qayb galayaan dhamaan dhinacayda siyaasada Somaliaya kaasi oo lagaga hadlayo aayaha dalka Somaliya

Sawirada




Filo Sawiro kale o badan

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe