Daladan ayaa waxaa doortay Ganacsatada Dhoofisa Maydiga iyadoo goobta ay  doorashadu ka dhacyaday ay  goob joog ka ahayd Rugta Ganacsiga iyo Warshadah Puntland, waxayna ka koobantahay Sagaal Xubnood ,oo leh Gudoomiye ,Gudoomiye ku xigeen kowad  iyo Gudoomiye ku Xigeen Labaad , iyo Lix Xubnood  waxayna ka dhacyad munaasabadaas Rugta Ganacsiga .

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Axmed Ciise Maxamuud wuxuuna ka warbixiyey qaabkii lagu soo doortay gudoonka sare ee ay dalladaasi yeelanayso iyo inta xubnoond ee ay ka kooban yihiin isagoo sheegay inay daladan ay ka kooban yihiin Sagaal Xubnood waxaana uu sheegay inay iyagu isdoorteen isla mar kaana ay rugta ganacsiga ay hawshan ay tahay mid iyadu wax wayn ay ka wado isagoo sheegay inay ka mid tahay Lixda daladood ee hoos imanyah Rugta Ganacsiga iyo Warshadah Puntland ,

Sidoo kale Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in daladan ay ku midaysan yihiin Ganacsatada Dhoofisa Maydiga iyo Xabkah ay noqonayso  taasin mid  horseedi doonto in Puntland ay hurmar dhanka dhaqaalaha ah oo weyn ay gaarto isla markaana ay ka bixi doonto in hantidood laga sii gacsado ayna gaari doonto meelah ugu haboon ee loo bahan yahay inay gaarto isagoo sheegay in rugta ganacsigu ay mar walba garab tagnandoonto cid walba oo iyadu doonaysa inay horamar samayso taana ay tahay mid lagu farxo .

Isagoo dhanka kalena hanbalyo u jeediyay Ganacsatadii iyagu siada quruxda badan u doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigayaal ayna tahay miday iaygu ku bohoobeen aysan ahayn mid si kale ku timid isagoo kula dardarmay inay kor u qaadan habka iyo qabka dhoofinta Maydiga iyo foox oo ah waxyaala ugu caansan ee soomaalidu caanka ku tahay laguna yaqaan .

Waxaana halkaa lagu soo dhaweeayy oo isaguna ka hadlay Gudoomiye ku  Xigeenka labaad ee Rugta Ganacsiga Maxame Cali Caydiid oo isna sheegay in wax lagu farxo ay tahay daladan ay ku midaysan yihiin ganacsatada dhofisa maydiga iyo fooxa waxaana uus heegay inay daladu ka mid tahay Rugta isagoo sheegay inay tani tahay dhiira galin wayn waxayn u noqonaysaa agnacsatada ka ganacsata iyo bulshada inteeda kale isagoo sii raaciyay inay keeni karto horamar .

Maxame Caydiid ayaa wax uu sheegay in Falaynka uu yahay wax soo sarka ugu qaalisan waxaayaalah dalkeena laga soo saaro kana qaalisan yahay wax dibada laga keeno isagoo sheegay in xiliyadan dabe ee Dowladii dhex bur burtay ay dalal kale ay sheegtaan hase ahaatee uu rajaynayo in magicii ay soomaali ku lahayd maydiga uuu dib ugu soo laban doono isagoo ugu dabaytii sheegay in ay soo dhaweeynayaa haday yihiin Rugta ganacsiga iyo Warshadaha .

Waxaa intaa kadib ka hadaly Gudoomiyah Dalaad Maydiga Xabkah iyo Beerah Maxamed  samatar yuusuf  waxaan uu sheegay in uu mahad balaaran u jeedinayo  Dhamaan kasoo qayb galayaashii munaasabada waxaan uu intaa ka dib ka hadlay Dalad isagoos heegay in dalan ay tahay mid Qiime wayn ugu fadhida Umada soomaaliyeed isagoo sheegay in maydigu yahay midka ugu qaalisan hadii uu qiima dhac ku yimaadan uu ganacsiga Puntland iyo kan soomaaliyab uu hoos u dhac ku imandoono isagoo sheegay in shirkadah hada Dalad ku midaysan ay gaarayaan ilaa Todoba shirkadood lakin ay filayaan in inta dhiman ay isu keeni doonan Dhanka kale wax uu ka hadlay Caqabadah had haysta Maydiga iyo Fooxa ay tahay hab habayn la aanta isagoos heegay in mar dhow ay taasi dhamaan doonto ugu danabaytii awx uu mahad balaar u jeediyay dhaaman intii dooratay .

Si kastaba ha ahaatee vdaladan ayaa wax noqonaysaa daladii labaad ee ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshada Puntaln waxayana kooban tahay dalaani .

1. Gudoomiyah Dalada Maxamed samatar
2. Gudoomiyah Kuxigeenka  kowad .Abshir Dharar Saleeban
3. Gudoomiye Kuxigeen  Labaad Barkhad Maxamed Xasan
4. Xoog hayah Dalada Cali jaamac Yuusuf
5. Xubin Axmed Maxamuud Wayrax
6. Xubin Cabdilaahi cali yuusuf
7. Xubin ,Cali Yuusuf Guure
8. Xubin Suudi Salaad Axmed
9. Xubin Camale Ismaaciil
10.Xubin Maxamed Shire Naaleeye
Daawo Sawiro





Axmed Nuune

SBC International Boosaaso