Jamhuuriyada Uzbekistan oo horey uga mid aheyd midowgii Soofiyeeti ee burburay kuna yaal bartamaha Qaarada Aasiya dadkiisuna yihiin 90% Muslim ayaa waxaa laga soo sheegayaa kadeed aduun kii ugu ba’anaa oo lagu hayo dadka doonaya in ay Masaajidyada ku tukudaan, iyadoo xarig iyo ganaax lagu hayo haweenka doonaya inay jirkooda ku asturaan Xijaab isla markaana madaxooda asturaan.

Dawlada   Uzbekistan  oo uu madaxweyne ka yahay kaligii taliye Islam Abdug‘aniyevich Karimov oo 74 sano jir ah isla markaana xukunka dalkaasi majaraha u haya tan iyo markii dalkaasi uu noqdey Jamhuurad madaxbanaan mudo haatan laga joogo 22 sano ayaa waxay soo rogtey sharci goobaha ganacsiga ganaax la duldhigayo hadii ay iibiyaan dharka astaamaha Diinta xambaarsan sida Xijaabada, Niqaabka, Cabaayadaha, Cimaamadaha iyo waliba Koofiyada, iyadoo sidoo kale go’aankan uu saameynayo dharka dadka diimaha kale aamisan.

Goobaha dadku isu yimaadaan ama ay ku badan yihiin waxaa lagu xiray Kaamirooyin loogu tala galay inay dadka xiran dharka astaamaha diimaha xambaarsan soo gudbiyaan kuwaasi oo ganaax iyo xabsi 15 cisho ah gorada loo galinayo.

Go’aankan wuxuu daba socdaa mid hore oo ay dawlada wadankaasi ku mamnuucdey in dhalinyaradu ku tukudaan Masaajiyada iyo sidoo kale dhalinta aamisan diimaha kale loo diidey inay galaan Kaniisadaha iyo meelaha ay ku sameeyaan wax ay u aamisan yihiin cibaadada.

Magaalada Namangan oo ah caasimada gobolka Namangan oo ku yaal dooxada Fergana ee waqooyiga Bari ee dalka Uzbekistan waxaa laga hirgaliyey 181 kaamiro oo loogu xiray masaajiyada si loola socdo dhamaan waxyaabaha ka soconaya Masaajidyada iyo dhalinyarada ku tukunaysa, laakiin maamulka la socodka diimaha ee gobolkaasi ayaa ku doodaya in talaabadan ay tahay si loola socdo tuugo baahsan oo ka jirta Masaajidyada.

Imaam Masaajid oo u dhashay wadankaasi kuna nool magaalo taal xuduuda wadamada  Uzbekistan & Kyrgyzstan ayaa u sheegay Radio Free Europe in sirdoonka dawlada Uzbekistan ay ula dan leeyihiin Kaamirooyinka lagu xiray masaajidyada inay kula socdaan waxa Iimaamyadu u sheegayaan dadka cibaadeysanaya ee ay u jeediyaan Muxaadarooyinka iyo waliba inay kula socdaan dhalinyaro inay soo galayaan Masaajidyada oo ay ka qayb qaadanayaan tukushada Salaadaha

Suuqa ugu weyn wadanka Uzbekistan ee lagu magacaabo Chorsu Bazaar waxaa suuq madow lagu kala gadanayaa dharka Muslimiintu xirtaan sida Xijaabada, Cabaayadaha, iyo waliba Koofiyadaha.

Bishii October ee sanadkii hore haweenay lagu magacaabo Manzura Kattakhuzhaeva ayaa noqotey haweenaydii ugu horeysay ee dalkaasi u dhalata ee loo soo taago maxkamad xukunna loogu qaado xirashada Xijaabka iyadoo ganaax lagu lagu xukumay haweenaydaasi oo ka soo jeeda gobolka Syrdarya.

Haweenay ganacsato ah oo ka gaabsatey in magaceeda laga xuso saxaafada ayaa laga soo xigtey in ay wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka keento dharka haweenka Muslimiintu xirtaan iyadoo sheegtey in dad ay ku kalsoon tahay si qarsoodi ah uga iibiso.

Hay’ada cilmi baaristan Mareykanka laga leeyahay ee Pew Research Center waxay ku sheegtey warbixin ay soo saartey sanadkii 2009 oo dalka Uzbekistan ay kaga hadashay in 96.% dadka wadankaasi ay yihiin Muslimiin kuwaasi oo 88% ay yihiin Suniyiin halka 5% ay yihin Shiico.

Bulshooyinka kale ee ku dhaqan wadankaasi 4% waxay aamisan yihin Diinta Kiristaanka gaar ahaan waxay ku xiran yihiin madhabta Russian Orthodox Church, sidoo kale wixii ka horeeyey sanadkii 2007 waxaa dalkaasi ku dhaqnaa kuwaad 100 kun oo Yuhuud ah laakiin badankoodu wixii sanadkaasi ka dambeeyey ayey u haajireen wadanka Mareykanka & dhulka Yuhuudu qabsatey ee Bariga dhexe ku yaal.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com