Mid ka mid ah dagaalyahanka xoogaga Taliban ee ka dagaalamaya wadanka Afgaanistan ee sida ba’an uga soo horjeeda ciidamada ajanabiga ee Mareykanku hogaaminayo ee gacanta siinaya xukuumada Madaxweyne Hamid Karzia ayaa weerar kaligiis duul ah oo uu ku qaaday ciidamada NATO wuxuu soo jiitay saxaafada dunida ka dib markii uu u dagaalamay hab la mid ah filimkii Rambo wee uu jilaaga ka ahaa aktarka Sylvester Stallone.

Dagaalyahankan ayaa la sheegay in uu kaligiis weerar hubaysan ku qaaday saldhig ciidamada NATO ku leeyihiin gudaha wadanka Afgaanistaan, waxaana ninkan la sheegay in labada gacmood uu ku sitey qori oo nooca daran dooriga u dhaca ah ee loo yaqaan Damabshiir ama BKM, isagoo labadaasi qori oo uu ridayo la istaagey, isla markaana rasaastii ka dhacaysay labadaasi qori ee uu labada gacmood ku sitey la beegsadey xerada ciidamada NATO.

Warar laga helay dagaalyahanka Taliban iyo taliska ciidamada NATO ayaa lagu xaqiijiyey in ninkaasi oo aan magaciisa la sheegin uu ku dhintey weerarkaasi.

Dagaalyahankan oo saxaafadu ugu magac dartey Rambowgii Taliban wuxuu mudo saacado ah la dagaalamayey ciidamada NATO, isagoo la taagnaa labada qori ee uu gacmaha ku kala sitey ee uu ugu dagaalamayey sida Filimkii Rambow.

Link-ga video ga hoose ka daawo muuqaal laga duubay dagaalyahankan oo labada gacmood ku sita qoryaha boobayaasha oo isagoo taagan xabado afuufaya.HALKAN RIIX

VIDEO

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm