Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Mid ka mid ahaan jiray Ciidamadii Alshabaab ee Gobolada Jubooyinka uu sheegtay Masuuliyada Afduubka loo geystay Haweeyenay Faransiis ah oo laga soo afduubtay Deegaanka Luma ee loo dalxiiska Tago.

“Haweneyda curyaanta ah ee faransiiska ah halkan ayay joogtaa wayna fiican tahay,waxaanu ku ilaalineynaa iyada inta u dhaxeysa Jubada hoose iyo jubada dhexe, mana nihin alshabaab waxaanu raadineynaa lacag madax furasho ah,” sidaa waxaa Reuters u sheegay nin Alshabaab ka tirsanaan jiray oo iminka sheegay inuu ka mid yahay kooxda qafaalatay Haweeneyda Faransiiska.

Ninkani sheegay inuu ka mid yahay kooxda haweeneyda qafaashay ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inaan weli la isku afgaran cadadka lacageed ee ay dalbanayaa isaga oo sidoo kalena xusay in koox iyaga ka mid ah ay ku talineyso in deegaan kale loo wareejiyo.

Wakaalada wararka ee Reuters oo wareysigan si gaar ah u heshay way ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso ninkan ay xigteen.

Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Alshabaab oo ku aadan in nin kani uu ka tirsan yahay iyaga iyo in deegaankooda lala aaday haweeneyda curyaanta ah ee ay qafaasheen kooxaha hubeysan ee Soomaalida.

Dowlada Kenya oo uu dalkeeda ka dhacay waqtiyo isxiga Afduubyo isdaba jog ah ayaa waxaa aanay weli soo saarin war rasmi ah oo ay kaga jawaabeyso amuurtan marka laga reebo inay ku raad joogto afduubyada dhacay dadkii geysty.

Xigasho Reuters 

Maxamad Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International  Monitoring