Dagaalo laga cabsi qabo markale, goobo uu ka dhacay Dagaalo lagu hoobtay G/Galgaduud

Xaalad degenaan aan cago buuran ku taagneyn ayaa saaka laga soo sheegayaa deegaano ku yaala gobolka Galgaduud o ay maalin nimadii shalay ka dheceen dagaalo xoogan oo dad kor u dhaafaya 30qof ay ku geeriyoodeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee ay noo soo diraan wariye yaashayada gobolka Galgaduud waxay tibaaxyaaan in xaaladu tahay mid aan la isku haleyn Karin oo deegaanka Balaldheer,Mareer,, iyo deegaano kale oo ka tirsan deegaanada ka midka ah Dhuusamareeb islamarkaana ah goobahii shalay ay ka dheceen dagaaladu ay kajirto xiisad dagaal iyo siku hub urursi labada bee lee dagaalamay wadaan.

Marar badan oo shalay ah ayaa deegaankaas waxaa ka dhacay dagaalo ay labada dhinac isku qaadeen waana tan keentay in dagaalka la isku habeensado islamarkaana ay ku waxyeeloobaan dad tirobadan oo dhimasho iyo dhaawacba leh .

Waxay noqdeen dagaaladan kuwo soo laalaabtay islamarkaana gobolka Galgaduud ka dhaca sanadwalba iyadoo beelaha ishaya ay isku qabsadeen waxyaabo salka kuhaya dhuldaaqsimeed, ceelalbiyoodyo IWM ah maadaama dadkan dagaalamaya yihiin reer Mii ama xolod haqato.

SBC INternational Dhuusamareeb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print