Magaalada Muqdisho xarunta dalka Soomaaliya maanta waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac ee halkaasi isku dagaala waa xarakada Alshabaab iyo ciidamada DKMG ah oo ay garabsiinayaan kuwa midowga Africa ee Amisom.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanu xoogiisu ka dhacay degmooyinka hodan iyo howlwadaag ee magaaladaaasi.

Labada dhinac waa DKMG ah iyo Xarakada Alshabaab ayaa dagaalkii dhacay ka hadlay iyagoona kala sheegtay guulo oo uu midba midka kale uu ka gaaray guulo dagaalka .

In ka badan 7 qof oo isugu jira labada dhinac ee dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen halka uu jiro khasaare dhaawac oo intaasi ka badan .

Sikastaba ha ahaatee dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo aadayaan xili uu qilaaf xoogan uu ka dhexjiro laba gole ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya .

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal xoogan ka soconayo, waxaana sida wariyaha SBC uu soo sheegayo uu dagaalka xoogiisu ka socdaa degmada Howlwadaag ee magaaladaasi.

Cali Maxamed Axmed
SBC Interntional Muqdisho.