Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku waramaya in Ciidamada Xarakada alshabaab ay dagaal ku soo qaadeen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee Baratamaha Soomaaliya.

Dagaal Saaka Aroortii ka qarxay Duleedka Degmada kaasi o u dhaxeeyay Ciidamada Ahlusuna iyo Kuwa alshabaab ayaa u soo gudbay Gudaha Magaalada Waxaana Dagaalka ka dhashay Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Weli Labada Dhinac ee Dagaalamaya kama aysan Hadlin Dagaalka Saaka ka dhacay Degmada Dhuusamareeb.

Warar SBC ay ka helayso Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Magaalada ay gacanta u gashay Xarakada Alshabaab oo Dagaal Xoog leh saaka halkaasi kula wareegay

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco SBC International Monitoring