Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Dhagtuur ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaankaasi uu markale ka qarxay dagaal u dhexeeya labadii beel ee halkaasi ku dagaalamayay todobaadyadii aynu soo dhaafnay.

Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa halkaasi ka soconaya sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanadaasi ku sugan.

Wariyaha SBC ee Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug iyo Galmudug ayaa soo sheegaya in dagalka uu yahay mid soconaya islamarkaana ay jiraan khasaare baaxadleh oo aan la aqoon tiradiisa

Sikastaba ha ahaatee dagaalada ka dhacaya gobolka mudug ee u dhexeeya labadan beel ayaa noqday kuwo soo noqnoqda iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay ay soconayeen dadaalo lagu doonayo in dagaaladaasi lagu joojiyo.

wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkaasi la sheegay in uu socdo kala soco wararkayaga dambe.

SBC International Gaalkacyo.