Garbahaareey- Dagaalkan xoogan ayaa saaka waxa uu ka dhacay Tuulada lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo u dhow magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana dagaalada ay u dhexeeyeen xoogaga xarakada Alshabaab iyo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusuna oo isgarabsanaya .

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada xarakada Alshabaab waxayna ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada oo uu horkacayo gudoomiyihii hore ee isbaheysiga Dooxada juba Bari Aadan Shire Hiiraale.

Sida wararka aan ku heleyno dagaladan ayaa waxaa ugu suurto gashay ciidamada dowlada KMG ah in ay gacanta si buuxda ay ugu dhigaan Tuulada Barwaaqo ee uu dagaalku ka dhacay.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan waxaana sida laga warqabo la gaarsiiyay dadkan waxyeeloobay Isbitalka magaalooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Sikastaba ha ahaatee dagaaladan ayaa waxay yihiin kuwo maalmihii la soo dhaafay ay xiisadeeda ka taagneyd qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo .

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.