Magaalada Kismaayo maanta dagaalkii ka bilowday saaka hirtii waa beri waxa uu noqday mid sii socda saacadba saacada ka dambeysana sii xoogeysta.

Dagaalkan waxa uu noqday mid ay u dhexeeya ciidamada Maamulka Jubaland ee uu horkacayo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo maleeshiyaadka siyaasiyiin ku sugan Kismaayo oo is baheystay.

Wariye yaasha SBC ee ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in magaalada oo dhan laga maqlayo hubka cul culus ee la isku adeegsanayo, dagaalkuna xoogiisa uu ka dhacayo xaafadaha qaar ee magaalada .

Lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagalaadan soconaya, waxaase wararku sheegayaan in dad ka badan 10 qof ay ku waxyeeloobeen qaarkoodna iyagoo meeyd ah la gaarsiiyay isbitalka Kismaayo.

Magaalada oo dhan ayaa kala xiran, ma jiraan dhaq dhaqaaqyo soconaya, dadka qaar ee degen xaafadaha magaalada ayaa la soo sheegayaa in ay dantu dhinac uga dhaafiweyday in ay ka qaxaan magaalada.

Wixii ku soo kordha kala soco SBC iyo wararka xiga.

SBC International Kismaayo