Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxay ka tirsanaayeen Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaan Hoosyimaada Balambal, waxaana deegaankaasi mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya labadan Maleeshiyo ee dagaalamay.

Qaar ka mid ah Odayaasha Degmooyinka Balambal iyo Guriceel ayaa bilaabay in deegaanka ay xiisadaha dagaal ka jiraan, si ay wax uga qabtaan xaalada halkaasi ka dhacday.

Dadka dhintay ayaa loo xaqiijiyay SBC In ay tiradoodu gaareyso 4 qof waxaana jira dhaawac intaasi ka badan oo ka dhashay dagaalka iyadoona ay dhamaantood yihiin maleeshiyaadkii halkaasi ka dagaalamayay .

Sikastaba ha ahaatee mudooyinkan dambe waxaa xiisado culaadeed ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee dalka kuwaas oo sababay khasaare dhimasho, waxayna sheegeen dadweynaha gobolka in arimahani ay ka yimaadeen ka dib markii uu gacmaha u galay dhalinyada gobolka Hubka noocyadiisa kala duwan.

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galagaduud