Wararka imaanaya Deegaanka Sool Joogto ee Gobolka Cayn ayaa ku waramaya in saaka 6 aroornimo xilliga Soomaaliya ay halkaasi ka biloowdeen Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Dadka Deegaanka.

Dagaalka oo ah mid aad u culus ayaa waxaa lagu waraya in la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana Xiisada dagaalka Siweyn looga dareemayaa Magaalada Buuhoodle.

Goobjoogayaal Jooga Furimaha Dagaalka ayaa Warbaahinta SBC u sheegay in Maamulka Gobolada Waqooyi uu weerar ku soo qaaday Fariisimada Ciidamada Deegaanka oo dhawaan uu dagaal culus dhexmray waxaana jilibka dagaalkaas u laabay Ciidamada Deegaanka.

Ilaa iyo iminka Ma jirto faahfahin dheeri ah oo dagaalka ka soo baxday waxaana weli soconaya Dagaal aad u culus

Cali Dhagjar
Wixii ku soo kordha kala soco SBC International