Deegaan lagu magcaabo Sool-joogto oo qiyaastii 30-KM dhinaca Woqooyi kaga beegan Magaalada Buuhuudle ee gobolka Cayn ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayan in Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad ku sugan deegaankaasi oo taageera Maamul dhawaan looga dhawaaqay deegaanka Taleex ee gobolka Sool.

Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa inay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in dagaalkasi oo ahaa mid xoogan uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku sugan deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo la tilmaamay inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay sida ay saxaafada u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaankasi

Nabadoon Max’ud Xasan Max’ed oo ka mid ah oo ka mid nabadoonda gobolka Sool oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay weerar gardaro ah kusoo qaadeen Ciidamo ku sugnaa deegaanka Sool-joogto oo hoostaga Magaalada Buuhuudle ee gobolka Cayn, wuxuuna tilmamaay inay iska caabiyeen weerarkaasi.

Max’ud Xasan Max’ed ayaa sheegay in Ciidamada ay wali ku sugan yihiin deegaanka weerar lagu soo qaaday, isagoo sheegay inay u dagaalamayaan Calanka Soomaaliya, hase ahaatee Ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Somaliland ay kasoo horjeedaan Calanka  Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, waxaana jirin wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Maamulka Somaliland  inkastoo wali labadaasi dhinac ay isku adeegsadeen rasaas ku dhacaysa goobo ka baxsan meelaha ay ku dagaalamayaan.

Liibaan C/laahi Faarax (Qaran)
SBC International Hargeysa