Wararka ka imanaya magaalada  Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi saaka hiortii waaberi ay ka qarxeen dagaalo xoogan oo u dhexeeya Xarakada Alshabaab iyo ciidamada DKMG ah.

Dagaalada ayaa badankood waxa ay ka dheceen Deegaanada Waqooyi Bari iyo Waqooyi galbeed, gaar ahaan Deegaanada Baardhuyac oo 45km Dhanka waqooyi galbeed kaga began Baladweyne iyo Deegaanka Bacaad oo Dhanka waqooyi bari kaga began 8 km Magaaladaasi, iyo weliba deegaanka Kalabeyr oo 25km u jirta Baladweyn.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu dhaliyay khasaare aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo xaqiijinin waxaase wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto ku dhowaad 3 dhimasho ah iyo ilaa 8 dhaawac ah sida ay xaqiijiyeen

Dagaalka saaka dhacay ayaa waxaa qaaday sida lagu waramay xoogaga xarakada Alshabaab iyagoona ku qaaday fariisimada ciidamada Dowlada iyo kuwa Dooxada shabeele ay ku leeyihiin duleedyada magaalada Baladweyne,

Sikastaba ha ahaatee Dagaalka ayaa haatan ah mid hakad galay inkastoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo xiisadaha dagaal oo keeni kara in uu mar kale qarxo dagaal labada dhinac dhexmara .

SBC International Baladweyne