Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo, waxaa halkaasi dib uga bilowday dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa waxa uu ka soconayaa goobo maalin nimadii shalay lagu dagaalamay, waxaana dagaalku dhexmarayaa labadii dhinac ee shalay dagaalamay waa Ciidamada Amaanka Puntland iyo weliba kooxo hubeysan oo ay dowladu ku tilmaantay in ay yihiin argagixiso sida ay hadalka u dhigeene.

Dagaalka ayaa xowli ku socda waxaana uu bilowday saaka hirtii waaberi ilaa iyo iminkadana lama xaqiijin karo hadii ay wax khasaare ah ka dhasheen.

waxii faah faahin ah kala soco wararka SBC Online

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo.