Deegaano ku yaala galbedka Magaalada Baladweyne xarunta gobolkaasi Hiiran waxaa maanta ka dhacay Dagaal u dhexeeyay ciidamada DKMG ah ee halkaasi ku sugan iyo kooxo Hubeysan oo iskood isku abaabulay .

Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka uu dagaalku ka dhacay dagaalka ayaa dhacay ka dib markii ay soo bexeen khilaafaadyo soo kala dhexgalay ciidamada iyo dadka deegaanka iyadoona kooxo dhalinyara ahi ay hub aruursi bilaabeen ka dibna uu qarxay dagaal labada dhinac ah,

Wararka ayaa intasi ku daraya in khilaafaka uu ka dhashay ka dib markii ay soo  bexeen tan iyo intii ay halkaasi gareen ciidamadani dhac ka dhan ah dadka rayidka ah oo lagula kacay taasna ay ku eedeeyeen ciidanka oo saaka howlgal ugu dhaqaqay halkaasi.

Rasaasta noocyadeed fud fudud ayaa la isku adeegsaday dagaalka lamana xaqiijin karo khasaare hadii uu ka dhashay iyo in kale .

Dhinaca kale Maalintii labaad ayaa waxaa kahad ku jira dhaq dhaqaaqyada ganacsi iyo dadweynaha ee qeybo ka mid ah Magaalada Baladweyne ka dib markii halkaasi shalay gelinkii hore uu ka dhacay qarax lala damacsanaa xarun ka mid ah xarumaha maamulka .

Ciidamada Itoobiyaanka ee Halkaasi ku sugan ayaa laga arki karaa wadooyinka waaweyn iyagoona sameeynaya Howlgal aan weli la shaacin in Bandow lagu saaray magaalada inkastoo aan jirin wax dhaq dhaqaaq ah .

Waxaa la xaqiijiyay in howlgalada ay wadeen ilaa iyo shalay ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Itoobiya lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay in amaanka ay wax u dhimayaan ama ay qorsheeynayaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ,

C/casiis Ok
SBC International Garoowe