Dagaal Duleedka Jowhar ku dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Xarkada Shabaab

Ku dhowad 3 askari ayaa ay sheegtay Dowlada Soomaaliya in ay kaga dhinteen maanta dagaal ka dhacay duleedka degmada Jowhar xarunta gobolkaasi Shabeelaha dhexe.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cabdi jiinow calasow weerar baaxad leh ayaa ciidamada Soomaalida ah ee ku sugan goob koontrol oo 12km u jirta Magaalada Jowhar xoogaga xarakada Alshabaab kaas oo sababay dagaal soconayay saacado in uu kudhexmaro

Waxa uu sheegatay Mr Calasoow in ciidamadu iska difaaceen xoogaga weerarka ku soo qaaday islamarkaana ay ka dhinteen 2 askari kana dhaawacmeyn tiro ka badan 5 askari sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in xoogagii weerarka soo gaaray u geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka badan tan iyaga soo gaartay isagoona tilmaamay in ilaa iyo iminka ciidanku halkii ay ku sugnaaeeyn ee weerarku ku qabsaday ay ku suganyihiin,

Ilo wareedyo madaxbanaan oo kusugan deegaano ka agdhow halka lagu weerar ciidamada Soomaaliya islamarkaana uu ka dhacay dagaalka laga qaadayay meydad farabadan oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ciidan dowlada ka tirsan inkastoo warkaasi uubeeniyay gudoomiyaha gobolkaas.

Sikastaba ha ahaatee waxa uu sheegay gudoomiyaha Shabeelaha dhexe in Jowhar ciidamada dowlada u jiraan 12km islamarkaana ay galayaan saacadaha soo wajahan ayna soconayaan qorshe yaal loo dejinayo sida uu hadalka u dhigay.

SBC International Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII