Dagaal lama filaan ahaa ayaa habeen nimadii xalay mar qura ka qarxay gudaha iyo duleedyada magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay .

Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana daryankiisa saacad ka dib laga dareemay iyadoo la isla soo galay gudaha magaalada xaafado ka mid ah .

Waxa uu dagaalkan dhexmaray ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaasi iyo xoogaga xarakada Alshabaab kuwaas oo sida la sheegay weerarka soo qaaday soona jiiray fariisimo ciidamada duleedka ku lahaayeen.

khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku dhaqan magaaladaasi Baydhabo inkastoo aan la heyn weli si rasmi ah khasaaraha inta uu la egyahay, waxaana ku sii qul qulaya xarumaha Caafimaadka magaalada siiba isbitalka weyn ee magaalada dhaawacyada ka dhashay dagaalka.

Maamulka Dowlada Federaalka ee gobolka iyo kan Beydhabo ayaan weli ka soo saarin hadal buuxa dagaalkan qarxay balse waxa ay u muuqataa mid ay ka gaabsadeen.

Waxaa laga dareemayaa saaka xaafado ka tirsan magaaladaas xiisad kacsan iyo dhaq dhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga oo aan sidii loo bartay u socon.

SBC International Baydhabo.